Baaritaano Ciidanka Nabad Sugidu ka wadaan Muqdisho

Ciidamada Nabadsugida

Ciidanka Nabad Sugida Soomaliya ayaa waxay Saaka Baaritaano ballaaran ka sameeyeen Xaafado katirsan Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa Saameyn waxa uu ku yeeshay Ardayda waxbarashada u kalaheysay iyo Dadka Shaqooyinka aadayey waxaana la ogeyn waxyaabaha howlgalkaasi keenay.

Ciidanka ayaa waxay xireen dhalinyaro badan oo xalay Saqdii dhexe markii ay howlgalka bilaabayeen ay guryahooda iyagoo hurdaya kala soo baxay.

Saraakiil howlgalka kusugneyd ayaa waxa mar saxaafada ay su’aalo weydiiyeen ay ka gaabsadeen in baaritaanka ka warbixiyaan.

Inta badan howlgalada marka laga sameynayo Muqdisho ayaa waxay saameynta ugu badan ku yeelataa Shacabka aan waxba galabsan ee shaqooyinka iyo Waxbarashada usocda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here