Baaqa Socdaalka Nabadeed ee seddexda kun ee haweenka Somaaliyeed

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta socdaal nabadeed ku soo maray waddooyinka Muqdisho seddex kun oo haween Soomaaliyeed.

Socdaalka nabadda ka hor ayey Haweenka Soomaaliyeed shir ay yeesheen waxey uga hadlen arrimaha haweenka ee ku’aadan nabadda, dib-uheshiisiinta, iyo Dimuqraadiyadda.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay xubno badan oo katirsan haweenka soomaliyeed oo ay mid ahaayen wasiiro, xubnaha bulshada rayidka, iyo kooxaha udooda xuquuda haweenka

Shirkaan baaqa nabadeed waxay ku go’aamiyeen arrimahan hoos ku qoran:

1.    Haweenka Soomaaliyeed waxey ka wada hadleen sidii loo diyaarin lahaa istraatijiyad looga hortagayo xaqdarada dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

2.    Haweenka Soomaaliyeed waxey soo jeediyeen in la hubiyo in dumarka, dhalinyarada iyo carruurta ay helaan xuquuq dhameystiran iyo inay si siman u geli karaan siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

3.    Haweenka Soomaaliyeed waxey ku baaqeen in la hubiyo in ay Haweenka Soomaaliyeed helaan sharciyo badbaadinaya inaan lagu xadgudbi karin xaquuqdooda aasaasiga ah.

4.    Haweenka Soomaaliyeed waxey dib-u-xoojinayaan in dumarka laga qeybgaliyo go’aaminta masiirka dalka gaar ahaan go’aanada dhanka dhaqaalaha iyo in dumarka iyo raggu u sinaadaan xuquuqda shaqada.

5.    Haweenka Soomaaliyeed waxey hoosta ka xariiqayaan in xuquuqda dumarka ay udub dhexaad u tahay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada isbedelada lagu sameynayo.

6.    Haweenka Soomaaliyeed waxey ayideen Roadmap ka. Haweenkan Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay Roadmap ka inuu yahay jidka nabadda iyo furaha horumarka dalka Soomaaliyeed.

7.    Haweenka Soomaaliyeed waxey taageersanyihiin Mabaadii’dii Shirkii Garowe ee 21kii ilaa 24kii December.

8.    Haweenka Soomaaliyeed waxey soo dhoweeyeen go’aankii ku wajahnaa in Haweenka Soomaaliyeed laga qeyb galiyo dhammaan shirarka lagu go’aaminayo masiirka dalka.

9.    Haweenka Soomaaliyeed waxey codsanayaan in la xaqiijiyo lagana dhabeeyo baaqii ahaa in 30% golaha ansixinta dastuurka uu noqdo Haween.

10.  Haweenka Soomaaliyeed waxey soo dhoweeyeen baaqii ahaa in ugu yaraan 20% xubnaha baarlamaanka cusub ay noqdaan Haween, waxeyna codsanayaan in la gaarsiiyo 30% bacdamaa ay Haweenku yihiin lafdhabarka bulshada Soomaaliyeed.

11.  Haweenka Soomaaliyeed waxey soo jeedinayaan in tirada xildhibaanada loo qoondeeyey lagu soo xulo si siman oo cadaalad ah.

12.  In la dhiirigeliyo ka qeybgalka Haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ilaa iyo heerka go’aan gaaridda oo la sameeyo shuruuc sahlaya in dumarka loo oggolaado inay kaalin fiican ka qaataan dhammaan qeybaha siyaasadda iyo dhaqaalaha oo ay ku jiraan in tiro cayiman loo qoondeeyo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.