Baaq kasoo baxay xubnihi hore ee Baarlamaanka KMGS

Shir Ballaran oo ey isugu yimaadeen Xubnihii Baarlamaankii hore ee u Dhabar adeygay samata bixinta Dalka iyo Dowladnimada, gaar ahaan kuwa aan soo gelin Baarlamaanka cusub, ayaa Dood dheer iyo Falanqeyn kadib waxey isla
garteen qodobada soo socda:

1- Taageeridda ka gudbitaanka Marxaladdii kumeel gaarka aheyd ee Curyaamisay Dowladihii dibadda lagu soo Yagleeli jiray.

2- Soo dhaweynta Baarlamaanka Cusub ee Dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Talo Soo Jeedinta Xubnihii Hore

a) Xubnuhu waxey Baarlamaanka Cusub usoo jeedinayaan iney Gudoonka Baarlamaanka u Doortaan Mudane ku Sifoobay Wadaniyad, Waaya argnimo Iyo Hufnaan, aqoon durugsanna u leh Shuruucda dalka & tan Caalamkaba, oo Sumcad sare leh.

b) Iney Danta guud ka hormariyaan Danta gaarka ah, kana fogaadaan wax kasta oo khilaafaad keeni kara.

c) Iney Hogaanka Dalka u Doortaan Muwaadin Xog ogaal ah, Kuna sifoobay Karti iyo Daacadnimo, una Damqanaaya Dalka, Dadka iyo Diintaba.

Baaqa Xubnihii Hore

Ø Waxey Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqayaan iney taageeraan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo madaxda ow dooran doono.

Ø waxey Beesha caalamka ugu Baaqayaan, gaar ahaan urur Gobaleedyada iyo Dowladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iney Taageeraan Hey’adaha Dowladda Cusub.

Ø Waxaan Hey’adha Amniga & Ciidamada Amisom ugu Baaqeynaa iney muujiyaan karti iyo Feejignaan Dheeri ah inta lagu guda jiro Doorashooyinka.

WABILLAAHI TOOWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here