Baan Kii Moon:Dhibaatada W/Korea faraha ayay ka baxday

Xoghayaha gud ee QM, Baan Kii Moon, ayaa ka dhawaajiyay cabsida uu ka qabo in barnaamijka Nuclearka W/Korea, uu Caalamka u horseedo dagaal faraha looga gubto.

Hadalka kasoo yeeray Baan Kii Moon, ayaa kusoo aadaya xili madaxweynaha W/Korea uu shalay ka dhawaajiyay in dalkiisa uu dib u bilaabayo, ama dib loo kicinayo warshadaha Nuclearka, arintaanoo sii kicineysa xiisadaha u dhaxeeyay Mareeykanka iyo dalkaas.

Talaabadaan ay qaaday W/Korea, ayaa ah sil silado is xigay oo maalmahaan ay waday, taasoo ay dooneyso ineey ku xoojiso awoodeeda milatari, xili xiisad dagaal uu kala dhaxeeyo K/Korea, Sidoo kale arintan ayaa kusoo aadeysa xili Mareeykanka iyo Seol ay dhoolatus milatari ka wadaan biyaha ay wadaagaanlabada Korea.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xoghayaha QM Baan kii Moon, ayaa lagu sheegay in wadahadalka uu yahay wadada kaliya ee looga fogaan karo dagaal qarxa.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibadda K/Korea, ayaa sheegay in hadii ay W/Korea ka dhabayso ineey dib u howlgalineyso warshadaheeda Nuclearka, ay tahay wax aadlooga xuamado.

Labada Korea, ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawada isku marinayay hanjabaado, waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal ka dhex qarxo hadii W/Korea ay sii wado horumarinta barnaamijkeeda Nuclearka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here