Baan Kii Koon oo dalbaday in la xoojiyo Taageerada DFS

Ban Ki-moonBaan Kii Moon, oo ah Xoghayaha guud ee QM, ayaa baaq u diray beesha Caalamka kaasoo ku aadan in la laba laabo taageerada dhaqaale iyo mida Milatari ee lasiiyo doowlada Federaalka Soomaaliya, si ay u hanato amaanka dhamaan dalka Soomaaliya, oo haatan qaybo kamid ah ay wali ka taliyaan Al-shabaab.

Kulan ku saabsan ammaanka Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo khatarta kooxda argagixisada ah ee Shabaab  iyo burcad badeeda Soomaalida, ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareeykanka, waxaana kulankaan laysku afgartay la xoojiyo taageerada DFS.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bank Moon oo hadal qoraal ah ka hor jeediyay kulanka  golaha ammaanka ayaa si weyn uga hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Shabaab  iyo burcad badeeda, wuxuuna Bank Moon ku boorriyay dowladaha caalamka iney sii laba laabaan taageerada la siinayo dowlada Federaalka Soomaaliya oo dagaallo kula jirta Argagixiso caalami ah.

Waxa uu Baan Kii Moon sheegay  in Qaramada Midoobay ay heshay xog muujineysa in kooxda Alshabaab ay xeelado kale u bedesheen dagaaladii fool ka foolka ahaa taasi bedelkeedana ay isku dayayaan iney beegsadaan xarumaha dowlada iyo kuwa Qaramada Midoobay.’

“ku dhawaad 17 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay magaalada Beledweyn,  qataraha noocan ahna waxaa looga hortagi karaa iskaashiga ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM’’ ayuu yiri Mr. Bank Moon.

Mr. Bank Moon ayaa ka digay weeraro la mid ah kuwii ka dhacay magaalada Nairobi oo argagixisadu ka fuliso Soomaaliya,  waxa uuna intaa ku daray in muhiim ay tahay in taxadar amaanka la xiriira la muujiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here