Baadari Madax ka Ahaa Kaniisad oo Lagu Dilay Magaalada Mandheera iyo Howlgalo ka Socda Halkaasi

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay magaalada Mandheera ee gobolka NFD baadari madax ka ahaa kaniisad kutaalla magaaladaasi iyadoona faah faahino kasoo baxayaan qaabka dilka uu udhacay.

Dhalinyaro bistoolado ku hubeysan ayaa baadarigan wadada ugalay sida la sheegay waxaana ay ku fureen rasaas xilli uu usocday gurigiisa kaasi oo meydkiisana muddo kadib halkaasi laga qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isagoo meel fadhiya Wadaadkaan Kaniisada madaxda ka ahaa rasaas ooda looga qaaday si dhaawac ahaana loogu qaaday cusbitaalka dhexdana uu ku quur-baxay.

Baadariga oo lagu magacaabi jiray Patrick ayaa kaniisad ku taalla Mandheera Madax ka ahaa waxaana saaka howlgalo ballaaran ay ciidamada amaanka kenya ka wadaan magaaladaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wadaad madax sare ka ahaa Kaniisad kutaalla dalkaasi dil loogeysto waxaana dadka ku dhaqan Mandhera ay maalmihii dambe la kulmayeen cabsi ku aadan in la dilo.

Al shabaab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaa dilalka ka dhaca waddankaasi Kenya waxaana jira kooxo muwaadiniin kenyan ah hayeeshee xiriir dhaw la leh Al shabaabka somaliya falalka Amni darana ka geysta gudaha dalkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here