Ayuub Jeenyo oo wacdaro ka dhigay horiyaalka dalka Hungary

 

Ayuub Daa'id oo u cayaara Budapest
Ayuub Daa’id oo u cayaara Budapest

Sidda uu qoray Khamiista maanta ah, mid ka mi wargeysyada ka soo baxa dalka Hungary, Cayaaryahan asal ahaan Soomaali ah, ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka dalka Hungary.

Cayaaryahankan oo ah Ayuub Jeenyo, ayaa heesta dhalashada waddanka Talyaanigam wuxuuna hadda ka mid yahay cayaartoyda ajaaniibta ee wacdarada ka dhigay dalka Hungary.

Wuxuu u cayaaraa kooxda Budapest Honved FC, oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Hungary .

Sidda uu sheegay guddiga cayaaraha dalka Hungary, Ayuub ayaa noqday cayaarka toddobaadkan ee horiyaalka, dalkaas markii kooxdiisa uu ka caawiyay guusha ay gaartay.

Ayuub ayaa ka mid ah cayaartoyda fara ku tiriska ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, balse ka dhex muuqda cayaaraha Yurub.

Cayaaryahankan oo ay milka ahaan ay lee dahay naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga, wuxuu horrey uga soo cayaaray horiyaalada Greek iyo Hungary.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here