Axmed Siilaanyo oo la hadlay Al-Jazeera

Somaliland, oo iskeeda uga go’day Soomaaliya, ayaa dhawaan u dabaal dagtay 22-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulkan.

Bishii la soo dhaafay, waxaa loogu baaqay in ay ku soo biiraan Soomaaliya, laakin waa ay diiddan yihiin, iyadoona hoggaamiyaasha Somaliland ay lee yihiin gobalkan Somaliland wuxuu sameeyay horrumar la taaban karo marka loo eego Soomaaliya inteda kale.

Waa gobal dhaca gacanka cadmeed, si kastaba, laakin waxa ay sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, labada dhinaca waxa ay midoobeen  sannadkii 1960-kii, balse dagaal sikeeye oo dhacay ayaa waxaa sannadkii 1980-kii ayaa waxaa lagu dilay 40,000 oo qof oo ah Somaliland ku dhawaad nus malyuun ayaa ku barakacay.

Somaliland waxa ay ku dhawaaqday sannadkii 1991-dii in ay ka go’day Soomaaliya, iyagoona ku dhawaaqay in ay yihiin dal madax banaan, laakin tan iyo xilligaas waxa ay la’yihiin aqoonsi caalami ah.

Haddaba wariyasha Al-Jazeera, Nazanine Moshiri ayaa la hadashay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland, waxa ay wax ka weydiisay caqabaha soo wajahay.

Wariyaha ayaa waxa ay weydiisay su’aalo dhowr ah, waxaa ka mid ahaa Somaliland waxa ay jirtaa 22-sanno sidaa oo ay tahay haddana wali aqoonsi ma aysan helin maxaa u aragtaa?

Axmed Siilaanyo ayaa ku jawaabay: Waa sax wali aqoonsi badan ma helin waa sax arrintaas, ma ahan wax sahlan in si fudud nalgu aqoonsado.

Siilaanyo waxaa wax laga weydiiyay kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida, gaar ahaan shirkii dhawaan kadhacay Istanbul iyo wax yaabaha looga hadlay?

Wuxuu yiri “Inta uusan dhicin wadahadalka Istanbul, waxaa socday barnaamiyo ku saabsan sida beesha caalamka ay gacan uga geesan karto Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa la weydiiyay maxaa isku raacdeen?

Wuxuu ku jawaabay Axmed Siilaanyo, in ay isku raaceen in ay socdaan wadahadalada labada dhinaca u dhexeeya midkastana uu qadariyo isla markaana la siiwado wadashaqeeynta ka dhexeeya.

Waxaa la weydiiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu cadeeyay in uu diinay siddii loo mideen lahaa Soomaaliya, siddee u aragtaa arrintaas?

Wuxuu ku jawaabay: Waxan u maleenayaa in uu cad yahay  in soo laabashadeena madax banaanida, waxaan jecelnahay in wali saaxibtinimadeena iyo wadashaqeenta naga dhexeyso ay sii jirto, balse Somaliland waxa ay go’aansatay ayuu yiri in ay noqoto dal madax banaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here