Axmed Madoobo oo doowlada Soomaaliya eedeyn usoo jeediyay

Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha kooxda Raas-kambooni, ayaa doowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay ineey Colaad ka dhex hurineyso dadka ku nool gobolada Jubooyinka.

Axmed Madoobe oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamul loogu magac daray Jubaland oo Kismaayo looga dhawaaqay, ayaa waxa uu si cad ugu eedeeyay doowlada Soomaaliya ineey Colaad ka dhex hurineyso bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhibaatada Kismaayo ka taagan masuuliyadeeda ay leedahay doowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in wafdiyo tiro badan oo aan lagu wargelin ay doowlada u direyso Kismaayo, islamarkaasna ay Ciidamada doowlada amar ku siisay in dagaalo ay ka sameeyaan magaalada kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

“Hadey doowlada sidaan kusii socoto, waxay keeni doontaa inaan lasoo noqono xilibaanadeena oo aan ka tashano aayaheena” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale doowlada Soomaaliya ku eedeeyay in madaxweynayaasha tirada badan ee Kismaayo looga dhawaaqay ay tahay arin ay doowlada Soomaaliya ka danbeyso oo ay dano gaar ah ka leedahay, waxaana uu si cad u sheegay in cadeymo buuxdo ay u hayaan in doowlada ay Colaad ka dhex hurineyso bulshada ku dhaqan gobolada Jubooyinka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Doowlada Soomaaliya, ayaa dhowr jeer ooh ore ku cel celisay in cabsi weyn ay ka qabto in dagaalo xoogan ay ka dhici karaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo salka ku haya arimaha Kismaayo kasoo if baxaya mudooyinkii ugu danbeeyay.

Sidoo kale doowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in wixii dhibaatooyin ah ee kadhaca gobolada jubooyinka ay kula xisaabtami doonto mamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee kismaayo ka dhisan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here