Axmed Madoobe: “Xagar, Jilib, Bu’aale iyo Kismaayo ayaa haatan bartilmaameedkeenu yahay”

Ninka hogaamiyo ciidamada Raaskambooni ee ka bar bardagaalanto ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Kenya, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ka socdo Jubooyinka.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu Axmed Madoobe ku sheegay in haatan ay ku wajahanyihiin magaalooyinka ay maamulaan Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka, isaga oo laakin tilmaamay in ay soo hor mari doono afdar deegaan oo uu xusay mid ka mid ah.

“Waxaan rajeyneynaa in aan horay u socono laakin waxaan kuu sheegayaa fadhi dheer inuusan jirin halka aan tagi doono ma garanayo laakin ha noqoto xagar, jilib, Bu,aalo ama Kismaayo meel uun ayaan aadi doonaa,” ayuu yiri.

Axmed Islaan  waxa uu sheegay in xaalada Afmadow oo ay dhawaan qabsadeen ay haatan dagantahay isla markaana dhawaan ka dhisi doonaan maamul ay leeyihiin dadka deegaanka isla markaana hoos taga dowlada KMG.

“Xaalada Afmadoow way wanaagsantahay shacabkiina dib ayey ugu soo laabanayaan, maamul waan u sameyn doonaa oo haatan wada tashi ayaa socda, aniga doraad ayaan ka qudbeeyey iyadoo ay joogaan saraakiishi dowlada iyo kuwa Kenya waana la hadalnay shacabka, wixi maamul ah wali ma dhameystirna dib ayaana kasoo sheegi doonaa.” ayuu yiri.

Axmed ayaa kasoo jeedo gobolka Jubada Hoose, waxaana uu mar ahaa gudoomiyaha gobolada Jubooyinka xilligi ay koonfurta Soomaaliya maamulayeen midowgii Maxaakiimta islaamiga sanadki 2006.

Al Shabaab ayuu dagaal kula galay magaalada Kismaayo iyo qeybo ka mid ah J/hoose sanadki 2010 kadib marki ay isku fahmi waayeen awooda, markaasi kadib waxa uu sameystay jabhad la magac baxday Raaskambooni.

Ciidankiisa waxay qeyb ka yihiin la dagaalanka Al Shabaab, waxaana ay ka bar bar dagaalamaan haatan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.