Axmed Madoobe: “Sii jiritaanka al-shabaab waa mid heshiis lagu yahay”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inaysan jirin daacadnimo ku aadan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay hadii loogu talo galo Shabaab hal maalin kaliya in looga adkaan karo dagaalka lagula jiro, balse uusan jirin daacadnimo ku aadan dagaalka Shabaabka.

Waxa uu sheegay Shabaab noolanshahooda inay tahay arin heshiis lagu yahay, marka la eego sida aanan wanaagsaneyn ee dagaalka Shabaab uu socdo iyo farsamo xumada loo wajaho.

“Shabaab inay noolaadaan waa wax heshiis lagu yahay maanta ciidanka Jamhuuriyada Somaliya, Dowlad Goboledyada iyo Amisom-ta joogta marka la isku daro hub cul culus Shabaab kuma gaaraan, inay noolaadaan Shabaabka sow xaalka iskama noqonaayo, Shabaab in lala dagaalamo heshiis malagu yahay sidee in loola dagaalamo heshiis loogu yahay maanta waxaa arkeysaa Buulo burde ayaa dagaal ka dhacay Amisom iyo Somalida wada socday ayaa lala dagaalay.”

“Maxaa diidaayo dhowr iyo labaatan kun oo Amisom ah iyo Sodonkun oo Somali ah hal maalin in dagaal toos ah la qaado oo meel kasta laga qaado maxaa diidaayo oo nalagu caawiyo oo sidaasi Shabaab loola dagaalamo oo geed hoostiisa looga tago maxaa diidaayo, inta barnaamijka uu yahay tuulo dagaal laga qaado, hadana sanad kadib dagaal kale tuuladaasi laga qaado, ciidan Amisom ayaa meel dagaayo oo sanado ku qaadanaayo Shabaabka iyaga qiyaarka iska leh oo xilliga ay rabaan ku soo weerari karo.”Ayuu yiri Axmed Madoobe oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA.

Amisom iyo ciidamada Dowladda ayaa haysta hub casri ah oo ay ku soo afjari karaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada  Shabaab.

Shabaab ayaanan haysan hub badan iyo ciidan, balse Shabaab ayaa hubka ka hela dagaalada ay ku soo qaadaan ciidamada Amisom oo ay ka furtaan hub fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here