Axmed Madoobe: Raysal wasaaraha maalmaha soo socda Kismaayo ayuu imaanaya

Sida uu saxaafadda u sheegay maanta oo Sabti ah, guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo maanta ku laabtay magaalada Kismaayo markii uu ka yimid magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegay in raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku soo wajahan yahay magaaladaas.

Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu Hogaaminayo ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo maalinta Isniinta ah ee soo socota oo bisha May 25 ku beega.

Wararaka waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay ka qayb galayaan shirka looga hadlayo Maamul u sameynta Jubooyinka.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan wasiiradiisa Arimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga iyadoo aan la ogeyn inta maalmood ee ay joogi doonaan Magaalada Kismaayo. – See more at:

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu maalmaha soo socda iman doono magaalada, si loo sii ambaqaado dhismaha maamulka saddexda gobol ee Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Kornayl Warfaa Sheekh Aadan iyo Cabbaas Ibraahim Gurey ayaa duleedka garoonka diyaaradaha kula hadlay ciidamo ka yimid gobolka Gedo oo halkaas la dejiyay.

Waxay ciidankaas ku tilmaameen inay yihiin ciidan qaran, oo ka qeyb-qaatay howlgalladii qeybo ka mid ah dalka looga saaray maleeshiyada al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada soo gaaray xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ka hor inta aanay wafdiga soo gaarin magaalada, ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa howlgal miino-baaris oo ay ka sameeyeen waddada Somali Star ee xaafadda Calanley waxay ku soo saareen miinooyin iyo bambooyin aan qarxin oo hareeraha waddada lagu aasay.

Taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee maamulka KMG ah Ismaaciil Dhuxulow ayaa sheegay inay goor dhow qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigayaan miinooyinka ay ka soo saareen waddada Somali Star.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here