Axmed Madoobe oo u ambabaxay Garoowe

DSC028720Wafdi uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha KMG ah ee Juba, Axmed Maxamed Islaam, ayaa goordhow ka amababaxay magaalada Kismaayo ee ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, odoyaal, haween, iyo siyaasiyiin kale.

Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka hor inta uusan ka dhoofin, ayuu sheegay in ay u socdaan magaalada Garoowe si ay uga qaybgalaan xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wuxuu kaloo ka hadlay arrimaha ammaanka,kaddib markii habeenkii xaley madaafic lagu garaacay xarunta Jaamacada oo ay deggan yihiin ergooyin iyo wafuud caalami ah.

Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in ammaanka la adkeen doono wuxuuna ciidamada kula dardaarmay in ammaanka sugaan oo ay shacabka ka difacaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here