Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay War-murtiyedka IGAD balse kasoo horjeestay shirka Muqdisho Dhageyso

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shirkii Kismaayo ka socday loogu doortay Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, ayaa sheegay inuu soo dhaweeynaayo War-murtiyeedka kasoo baxay madaxda IGAD iyo shirka la qaban doono, balse wuxuu sheegay inuu shirka noqon doono mid u dhaxeeya iyaga iyo doowlada, sidookalena aanu ogolaan doonin in maamul loo dhiso Jubooyinka, bale wuxuu sheegay in shirkaas lagu dhamaystiri doono maamulkii ay iyaga horay u dhiseen.

Axmed Madoobe ayaa doowlada ku eedeeyay ineey masuul ka tahay maamulada badan ee lagaga dhawaaqay magaalada kismayo.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweeynayo war-murtiyeedka IGAD kasoo baxay, lakiin aysan ogolan doonin in doowlada Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir loog arinsanayo arimaha Jubooyinka islamarkaasna dib loogu soo dhisayo maamul kaloo Cusub, wuxuu cadeeyay in ay doowlada Soomaaliyeed dhowr mar ku casuumeen shirkii Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay ee isaga lagu doortay.

“Anagu barnaamijkii anuw adnay meel buu marayaa, waxaan rajeeyneeynaa doowlada ineey la timaado dhamaystirka iyo wixii talo ah ee lagudboon qaadato” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray in ay doowlada Soomaaliya qabato shir dib loogu soo dhisayo maamul KMG ah, waxaana uu cadeeyay in war-murtiyeedka IGAD uu maamulkiisa u fahmay in la dhamaystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii Kismaayo, iyo ineey wada hadlaan doowlada iyo maamulka uu isaga hogaamiyo.

“Waxaan u fasiraneeynaa in maamul goboleedka Jubaland iyo doowlada Federaaalka ka wada hadlaan arimahooda, IGAD-na ay dusha kala soconeyso” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe wuxuu kaloo sheegay in dhamaan masuuliyiinta igana Kismaayo kaga dhawaaqay ineey madaxweynaha Jubaland yihiin ay ka socdaan doowlada Soomaaliya, doowladana ay soo dirtay, wuxuna ku cel celiyay in doowlada ay masuul katahay waxa Kismaayo ka soconaya iyo siyaasadaha Isdiidan.

“Cid kasta oo timid oo wax sheegatay waa waxey doowlada Keensatay iyadaana masuul ka ah” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Wuxuu sheegay ineeysan jirin doonin wax cusub oo hada dib loo soo bilaabayo, balse wixii horay u socday halkooda laga sii wadi doona lana dhamaystirayo.

Dhageyso Wareysiga Axmed Madoobe

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/madoobediidmo.mp3″]

Shirka Muqdisho ka dhici doona:

Mar Axmed Madoobe la weydiyay su’aal ahayd inuu ka qeyb gali doono shirka lagu wado ineey doowlada Soomaaliya Muqdisho ugu qabato bulshada dagta Kismaayo si loo dhiso maamul KMG ah, waxaa uu sheegay inuusan ka qeyb gali doonin.

“Dhamaystir baa laga hadlayaa ee majirto mas’alo layiraahdo wixii baa laga wada tagayaa iyo maamul baa hada lasoo magacaabayaa meesha kuma jirto, wuu dhisanyahay maamulka Jubaland” ayuu ku jawaabay Axmed Madoobe.

Waxaa xusid mudan in madaxda Urur goboleedka  IGAD oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa isku raacay in doowlada Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir qaran oo dib u heshiisiin ah islamarkaasna ay kasoo qayb galaan beelaha ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, si loo sameeyo maamul KMG ah oo ka shaqeeya sidii doowlad goboleed waafaqsan dastuurka loo heli lahaa, oo ay doowlada hogaamineyso.

War-murtiyeedka IGAD kasoo baxay oo dhamaystiran:

 

1-Ugu horeyn waxay IGAD aqbashay islamarkaasna ay qaadatay warbixin ay soo gudbiyeen gudi uu hogaaminaayay Maxbuub Macalin iyo xubno kaloo ka socday IGAD oo dhawaan booqasho ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho si ay xog usoo aruuriyaan.

2-Sidoo kale waxay IGAD soo jeedisay in doowlada Federaalka Soomaaliya ay soo diyariso islamarkaasna ay hogaamiso shir dib’uheshiisiineed, iyadoona IGAD ay taageereyso lalana tashanaayo qaybaha kala duwan bulshooyinka ku dhaqan Jubooyinka, islamarkaasna isla eegaaya qaabka loo samayn karo maamulka KMG oo looga sii gudbo maamul rasmi ah oo uu gobolka Yeesho lagun saleeynaayo dastuurka Federaalka IGAD-na ay gacan ka geysan doonto.

3-IGAD waxay walaac ka muujisay xaalada Kismaayo, iyagoona kula taliyay dadka deegaanka ineey xasilooni muujiyaan iyo nabaad dhamaanba kooxaha halkaas ku sugan, IGAD ayaa sheegtay in xasarad dhacdaa ay Qatar galin karto amaanka iyo xasiloonida, iyo waliba dagaalkii lagula jiray Al-shabaab.

4-Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka IGAD loogu baaqay dhinacyada Muqdisho iyo Kismaayo ineey qaataan 5ta qodob ee uu ka koobnaa war-murtiyeedkaan kasoo baxay IGAD .

5-IGAD waxay markale ku celisay baaqeedii ay u direysay doowlada Federaalka Soomaaliya, ee ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan iskus haandheyn ugu sameyso maleeshiyaadka hubeysan eek u sugan Soomaaliya loona sameeyo talis guud oo ah Ciidamada qaranka Soomaaliya.

6-IGAD waxa ay xustay sida ay ugu faraxsantahay kaalmada dhaqaale qalab iyo farsamo ee beesha Calamka iyo Ururada Caalamiga ahba siiyaan doowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoona soo jeediyay in la laba laabo kaalmadaasi.

7-Ugu danbeyntii waxaa war-murtiyeedkaasi lagu xusay dadaalka uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, isagoo xiligaan ah hogaamiyaha IGAD, iyo sida ay doowladiisa u fududeyneyso dadaalada nabada iyo xasiloonida guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Dhageyso Warmurtiyeedka IGAD

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/Igad.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here