Axmed Madoobe oo magacaabay ku xigeenkiisa

Xaflada shaley ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose, ayaa lagu magcaabay madaxweyne ku xigeynka koobaad ee maamulka gobboleedka Jubbalan.

Madaxweynaha cusub ee  maamulka Jubba Land Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku xigeenkiisa u magacaabay Gen Cabddulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Markii uu magacaabay Axmed Madoobe ku-xigeenkisa ayuu wuxuu la hadlay warbaahinta  isagoona sheegay in Gen: Fartaag uu yahay Mas’ulu ka bixi kara howshaan kaddib wadatashi badan oo arrimahaas uu ka sameeyey.

Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Jubba Land ayaa u mahad celiyay  madaxwaynaha waxaa uu ballan qaaday in uu si hufnaan ah uu ugu shaqayn doono dadka iyo dalka gaar ahaan jubba
land.

Si kastaba Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa degan in kasto magaalada iminka ay ka dhisan yihiin sdeddax madaxweyne, waxaana laga cabsi qabaa in ay arrintaas ay keento xiisad colaadeed oo lagu hoobto sida ay lee yihiin dadka ku dhaqan Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here