Axmed Madoobe oo kaalinta 6-aad kaga jira 10 qof uu mareeykanka ka shakisanyahay

Sida lagu qoray bogga wararka Idaacada kuhadasha afka doowlada Ruushka, hogaamiyaha Jabhadda Raas-kambooni Axmed Madoobe, uu kaalinta 6-aad kaga jiro liis ka kooban 10 qof oo uu mareeykanka u arko kuwa caalamka ugu qatarsan.

Warbixintaan uu daabacay bogaan ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu kaalinta 6aad kaga jiro dadka uu mareeykanka aadka uga baqo, sida uu kasoo xigtay majalada “Wired” ee kasoo baxda mareeykanka.

Mareeykanka ayaa aad uga shakisan wadaadkan hogaamiya maleeshiyada Raas-kambooni oo hada maamula Kismaayo, islamarkaasna xulufo la ah Kenya, mareeykanku waxay ninkaan u arkaan nin dhagar badan oo halis ah.

Dadkaan uu mareeykanka aadka uga shakisanyahay waxaa kujira laba kamid ah madaxweynayaasha Syria Bishaar Asad oo kaalinta labaad kujira, iyo madaxweynaha Masar Maxamed Morsi oo isna kaalinta 5aad kujira.

Axmed Madoobe ayaa horay uga mid ahaan jiray Xisbul Islaam, oo uu madax ka ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys, laakiin uu isaga baxay markii uu dagaal dhexmaray isaga iyo Alshabaab.

Ilaa iyo hadda Axmed Madoobe, wax war ah kama soos aarin warbixintaan lagu xusay inuu kujiro liiska 10 qof oo uu mareeykanka aad uga shakisanyahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here