Axmed Madoobe oo faah-faahin kabixiyay shirka Kismaayo sheegayna in doowlada ay ku marti qaadeen

Axmed Madoobe oo kamid ah qabanqaabiyaasha shirka Kismaayo maantaa ka furmay ayaa sheegay in doowlada Soomaaliya ay ku marti qaadeen shirka islamarkaasna ay jawaab ka sugayaan, Axmed Madoowe waxa uu sheegay in maalmahaanba ay wadeen diyaar garowga shirkan ujeedkiisu yahay sidii maamul goboleed loogu samayn lahaa Jubooyinka iyo Gedo.

Waxaa uu sheegay in shirka uu maanta furmay islamarkaasna ay jiraan ergo wali kamaqan shirka balse imaanaya waqtiyada soo aadan, Axmed Madoowe, oo hada ah gudoomiyaha KMG ah magaalada kismaayo ayaa ka dhawaajiyay in furitaanka shirka looga hadlay in dadka deegaanka ay xaq uleeyihiin in iyaga ay samaystaan maamulka deeganadooda islamarkaasna ay u madax banaanyihiin.

Majirto waqti xadidan oo uu Axmed Madoowe sheegay in shirka maanta Kismaayo kafurmay socon doono, laakiin waxa uu shegay ineey rajeynayaan inuu kusoo dhamaado guul iyo maamuus.

Shirkaan Kismaayo kafurmay ayaa sida lawada ogsoonyahay waxaa abaabulkiisa iyo qabanqaabadiisa iska leh urur goboleedka IGAD, waxaana jiray dhowr shirar oo kasoo dhacay wadanka Kenya gaar ahaan Nairobi oo ku saabsanaa maamul usamaynta Jubooyinka, walooy ay jiraan qabaa’ilo kasoo jeeda goboladaas oo si weyn uga soo horjeeda maamul usamaynta Jubooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoowe, waxa uu dhanka kale dafiray inuu jiro wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya doowlada, waxa uuna sheegay in uu tagayo magaalada Muqdisho, oo ay doowlada ugu yeertay inuu kasoo qayb galo shir gogol xaar ah oo Muqdisho ka dhici doona.

Laakiin shirkan maanta kismaayo kafurmay ayaa umuuqda mid aysan doowlada raali ka ahayn, maadaama shir maalmo kahor lagu waday inuu Kismaayo kafurmo ay doowlada ka baaqsatay sidaa darteedna uu u baaqday.

Doowlada ayaa dhowr mar wufuud kala gaar gaar ah u dirtay magaalada Kismaayo si Axmed Madoowe loogu soo qanciyo in dadka deegaanka loo madax baneeyo ineey iyagu doortaan maamul loo wada dhanyahay, balse uu Axmed Madoowe si cad uga horyimid dhamaan isku dayadii doowlada, waxaa taas kasii daran waxaa jirtay in dhowr mar uu masuuliyiin doowlada katirsan u diiday ineey gudaha ugalaan magaalada Kismaayo, taasoo muujineeysa in Axmed Madoowe uusan ka amar qaadan doowlada kajirta wadanka ee uu ka amar qaato ciidamada Kenyanka ah ee magaalada Kismaayo u qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here