Axmed Madoobe oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo

Hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe waxaa Magaalada Nairobi ka qaaday Diyaarad nooca yar ah, waxaana ay qaaday kaligiis iyadoo ka dajisay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Hogaamiyaha Raaskambooni marki uu ka dagay Kismaayo waxaa soo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee ka jira Kismaayo iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada huwanta.

Axmed Madoobe inti uu ku sugnaa Nairobi waxaa uu kulamo la qaatay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyagoo ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin maamul u sameynta Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool, waxaana kulamada dhexmaray labada masuul waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya waliba kuwa soomaalida ah.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku jira Olole balaaran oo uu ku raadinayo inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubaland State, isagoo soo maray wadanka Itoobiya kana soo saxiixday inay taageeraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here