Axmed Madoobe oo 50 Kun Dollar kubixiyey ka hortaga Abaarta Dalka

madoobe1

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu maanta saxaafada mar uu kula hadlay Kismaayo uu sheegay inay Lacag gaareysan $50,000 Dollar ku bixinayaan wax ka qabashada Abaarta ka jirta qeybo katirsan Gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in lacagtaasi ay doonayaan in lagu samatabixiyo dadka ay macluusha iyo gaajada ku heyso deegaanada Maamulkiisa ah isagoona gudi wasiiro maamulka Jubba katirsan arintaasi uxilsaaray.

Gudoomiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam waxa uu sidoo kale baaq udiray Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka isagoo ka codsaday inay usoo gurmadaanAbaarta dadka ku heyso gobolka Jubbada Hoose.

Deegaano katirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ka jirta Abaar saameysay dadka iyo Duunyada inkastoo xoogaa ay gurmad gar gaar ah heleen hadana maahan baa la leeyahay gar gaarka lasiiyey mid baahida dabooli karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here