Axmed Madoobe Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Soo Wajahan Muqdisho

Wafdi Balaaran uu hogaaminayo hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} ayaa ku soo Wajahan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Wafdigaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo ula qaadan doonana Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay kal hadli doonaan arrimata maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar hor dhac ah ayaa shegayo in Wafdiga uu hogaaminayo Axmed Madoobe uu hataan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi uga qeybgalayaan kulan looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka.

Wafdiga ayaa kulankaasi ka dib uu u soo dhoofi-doonaa magaalada Muqdisho oo uu ku dhameystiri doono maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka kulamada looga hadlayo arrimahaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here