Axmed Madoobe: amnigi guud waxaa lagu haleeyay AMISOM

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa sheegay Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada inay ku mashquuleen arimaha ku aadan Doorashooyinka dalka ka dhici doona, taasina ay keentay in la dayaco ammaanka.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday Shabaabka muddooyinkii dambe inay qabsanayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka

“Shabaab meelo kala duwan ayey dib u qabsadeen, waayo ammaanka dhan waxaa lagu halleeyay Amisom oo aan dalka lahayn , maadaama aan dalka loo dhisin Ciidamo u gaar ah.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

“Intee in la eeg ayeey ciidamada Amisom la dagaalamayaan Shabaab, hadii Amisom dalka ay ka baxaan sow Shabaab dib u qabsan maayo, hadii aanan la helin ciidan Qaran oo tayeysan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Madoobe.

Shabaab ayaa maalmahan dambe waxa ay qabsanayeen deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here