Axmed Dhinbil Rooble iyo C/wali Muudey oo isugu soo tagay shirka baarlamaanka IGAD

Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wafuud ka kala socota baarlamaanka KMG Soomaaliya oo mid kastaa uu si gaar ah u matalayo baarlamaanka.

Wufuudaan oo ka qeybgaleysa shirka baarlamaanada IGAD oo shalay ka furmay dalka Jabuuti ayaa waxaa kala hogaaminaya gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Axmed Dhinbil Rooble (Casoowe) iyo gudoomiya ku xigeenka labaad ee 1-aad ee baarlamaanka C/wali Sheekh Muudeey.

Mr Muudeey oo ka socda dhinaca Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxa isaga iyo xubno ka socda baarlamaanka ka dageen Jabuuti Jimcihi, laakin xildhibaano u aqoonsan Mr Muudey iyo Shariif Xasan in xilki laga qaaday oo uu hogaaminayo Mr Casoowe ayaa iyana ka daba baxay.

XIldhibaan llkadahab oo ka mid ah mudanayaashi xil ka qaadista ku sameeyey gudoomiyihi baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay in shirka laga saaray C/wali Muudeey iyo wafdigiisi kadib warqad ay u qoreen IGAD, isla markaana haatan ay ka qeybgalayaan wafdiga Axmed Dhinbil Rooble.

Wali wax war ah lagama hayo wafdigi xildhibaan C/wali Sheekh Muudeey, hase yeeshee waxaa la filayaa in uu saxaafada war siiyo.