Axmed Dhinbil Casoowe: ‘Wasiirka arimaha gudaha wuu qaldanyahay’

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhinbil Rooble (Casoow) ayaa jawaab ka bixiyey amar shalay kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha oo ka dhan ahaa xildhibaanada.

Mr Casoowe oo wareysi siiyey VOA-da ayaa nin qaldan oo sharciga baalmarsan ku sifeeyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shalay kaga dhawaaqay magaalada Garoowe in mudo 4 todobaad ah aysan baarlamaanka ku kulmi karin Golaha Shacbiga.

“Ninkaan wuxuu ka mid yahay xukumada cusub, xukumada cusubna waxaan is laheyn waa dad aqoon leh oo wanaagsan laakin runtii wuu qaldanyahay, aniga darajadeyda ayaa ii suura gelineyso inuu igala tashto oo uu isoo waco, baarlamaanka ma qaldana ee wasiirka arrimaha gudaha ayaa qaldan,” ayuu yiri.

Mas,uulkaan ayaa diiday in Shariif Xasan uu yahay gudoomiyaha baarlamaanka isaga oo sheegay inuusan u aheyn wax aan ka aheyn inuu yahay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Go,aan shalay kasoo baxay wasiirka arimaha gudaha ayaa lagu joojiyey fadhiyada baarlamaanka mdo bil ah, waxaana go,aankaasi uu si toos ah ugu socday xildhibaanada kasoo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Adan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.