Axmed Daaci oo marki ugu horeysay ka hadlay dilalki ka dhacay Wadajir

Iyadoo maalmihi lasoo dhaafay ay ka dhacayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho dilal qorsheysnaa oo lala beegsaday rag magac leh ayaa marki ugu horeysay waxaa galabta ka hadlay gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci).

Hadal uu galabta ku siiyey warbaahinta gurigiisa ayuu ku sheegay in dilalkaasi ayasan ka danbeyn Al Shabaab balse uu ku tuhmayo in laga soo maleegay meelo kale.

Mr. Daaci ayaa tilmaamay in ay ka warhayaan dadka ka danbeeya dilalkaasi isla markaana ay ku daba jiraan mar dhawna soo qaban doonaan sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee muusan carabaabin cida ay yihiin dadka uu sheegayo in ay ka danbeeyaan.

“Warbaahinta inay been ka sheegto ma ahan, oo ammaan daro ka jirto degmada dhahaan, ma jiro qofna dahab loogama dhicin, lacagna loogama dhicin, marka ammaan daradi halkee ka timid, shilalkii dhacay waxay ahaayeen mid siyaasadeed”ayuu yiri Axmed Daaci.

Gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano kale oo is daba jooga ah taasi oo keentay in ay ka aamusaan oo aysan ka hadlin amaba aysan wax talaabo cad aysan wali qaadin.

“Saddexdii dil ee ka dhacay degmada wax Shabaab shuqul ku lahaayeen ma jirto, baaritaan ku jirnaa, inaan soo qabano ayaa Maxkamad horkeeni doonaa, ama inaan qoraal ahaan Dowladda ugu gudbino ama anaga inaan soo qabano”ayuu yiri Axmed Daaci.

Degmada Wadajir ayaa maalimihi lasoo dhaafay waxa ka dhacay dilal loo geystay laba saxafi iyo mas,uul ka tirsanaa maamulka, iyadoo shalayna lagu dhaawacay gudoomiyihi maxkamada degmada.

2 COMMENTS

  1. Dhaman wan idin salaamay inta wadaniga ah mas kaxdodana kujirta dadkoda dalkoda dintoda wax uqabtan intaa kadib mamul ka wadajir wuu amanayahay balse waxad sameysaan cidan dhar cad o aminga sugi kara mida kale daw lada kontorol walba in cidan amni sugid ah shacabkana si dhibatada ad ugu baxdan dawlada lashaqeya

  2. Asc salankadib waxan oranlaha mamulka kajira wadajir in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ku soqabtan gacanku dhiglaha horkenana shareecada islamka silogu fuliyo falka fosha xun eykukaceyn waxana ka codsaneyna ciidan policka iyo kuwa nabadsugida in ey waxqabad dacadku dhehantahay iyo alla kacabsikujirta in ey shacakena ugu shaqeyan dalka iyo dadka sita misha loga saaro dilalka qorsheysan iyo wax walbo o amanka khalqal gilinayaa dowlada wali wexey dhafi la,dahay chapter keda kowad e amniga salamulahi

Comments are closed.