Axmed C/salaan “Xaaladeyda caafimaad waa wanaagsan tahay”

Siyaasiga Axmed Cabdisalaan xaaji aadan ayaa sheegay in aanay wax caqabad ah ku yeelan doonin qarixii shalay is miidaaminta ahaa ee lagu weeraray wafdigii uu hogaaminayay iyo qorshayaasha ay u socdeen.

Wareysi uu siiyay Idaacada afka dowladda ku hadasha ee Radio muqdisho ka hor inta aan diyaarad ka qaadin Magaalada Guriceel ayaa waxaa uu sheegay inay sii socon doonto howshii ay u yimaadeen Gobolada Dhexe.

“Xaaladeyda waa fiican tahay, dhaawac yar yar i gaaray, nimankaas muddo ayay indhaha shacabka dadkii u ahaa ay leynayeen, ilaah ayaana wax dila iyaga waxba ma dili karaan”ayuu yiri Axmed Cabdisalaan.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanadii iyo xubnihii kale ee la socday ku hareen Galgaduud, si ay howsha u sii wadaan, waxaana uu tibaaxay in aanay marna hadafkooda ka waaban doonin weerarkaas.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhajiyay in marka uu dib ugu soo laabto Galgaduud uu howshiisa dib u ambaqaadi doono, sidii umada uga tashan laheyd in la xoojiyo maamulada iyo midnimada deegaanada sida uu yiri.

Axmed Cabdisalaan ayaa udub dhexaad u ahaa siyaasiyiintii iyo xildhibaanadii ka tirsanaa baarlamaanka ee gaartay Gobolada Dhexe, iyagoo kulamo la lahaa qeybaha bulshada rayidka.

Qarixii shalay ka dhacay Dhuusa Mareeb ayaa galaaftay ilaa todobo ruux oo ay ku jireen labo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kale.