Axmed Cabdisalaan Adan oo ku howlan maamul goboleed laga dhisayo gobolada dhexe

Ra’isulwasaare ku xigeenki hore ee Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo isaga iyo xildhibaano shalay gaaray gobolka Galguduud ayaa sheegay inuu ku howlanyahay dhisida maamul cusub.

Axmed Cabdisalaan iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ka dhisaan gobolkaasi maamul goboleed loo dhanyahay oo ka hana qaadi doona gobolada dhexe.

Wafdiga Siyaasiga Axmed Cabdisalaan horkacayo oo ka kooban ilaa sodomeeyo xubnood oo isugu jira, xildhibaano, siyaasiyiin, ganacsato iyo qeybaha bulshada ayaa kulamo la leh maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna.

Mar uu saxaafada kula hadlay Guriceel ayuu sheegay in qorshahooda ugu weyn yahay sidii dadka deegaanka ay isu keeni lahaayeen, isla markaana maamul loo dhan yahay loo dhisi lahaa.

Waxaa uu sheegay in xubnaha wafdiga ay ku jiraan dad ka soo jeeda deegaanada Gobolada Dhexe, taasna ay keeneyso in wax badan ka bedesho xaalada dhabta ah ee Gobolka.

Dhinaca kale Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa dhankooda soo dhoweeyay wafdigan waxaana ay cadeeyeen inay sare u qaadeyso sidii Gobolka uu xor u noqon lahaa.

Dhawaan ayaa maxkamada sare ee Dowlada KMG, waxay sheegtay in maamul goboleedyada dalka looga dhawaaqayo ay yihiin kuwo aanan sharci aheyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.