Axmed Cabdi Godane oo lagu eedeeyay Xasuuqa shacabka Muqdisho

Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida, Axmed Cabdi godane, ayaa lagu eedeeyay dhibaateynta iyo Xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho.

Korneyl C/laahi Cali Macoow, oo ah qabiir dhinaca amaanka ah, ayaa xili uu wareysi siinayay laanta VOA-da qaybteda afka Soomaaliga, ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada amaan ee Muqdisho iyo sida lagu sugi karo.

Korneyl Ca/laahi Cali Macoow, ayaa Axmed Godane ku eedeeyay inuu si gaar ah xasuuq ba’an ugu shacabka Soomaaliyeed eek u nool Koofurta Soomaaliya.

“Axmed Cabdi Godane, waa nin cadeystay oo xasuuq ku haayo shacabka Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho, laakiinse dadka la rabo ineey ka hortagaan waxa waaye kuwa uu adeegsanaayo oo deegaankoodii uu leeyahay laaya dadka, kuwaas ayaa la rabaa ineey gacanta ka qabtaan dhibaatada uu dadka u geeysanaayana ay ka hor istaagaan” sidaa waxaa yiri Korneyl C/laahi Cali Macoow.

C/laahi Cali Macoow, ayaa dhanka kale doowlada Soomaaliya u sheegay ineey xiriir wanaagsan la yeeshaan shacabka Soomaaliyeed si amaanka dalka loo sugo.

“Wada shaqaynta hay’adaha amanka iyo shacabka waa muhiim, oo ay kusoo wargaliyaan dhaq dhaqaaqa Aragagixisada ay ka sameeynaayaan xaafadahooda, waa in xiriir joogta ah oo dad weynaha iyo hay’adaha amanka ka dhaxeeya uu jiraa” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Korneylka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here