Australia oo baadigoobeysa wax u muuqda diyaarada Malaysia Airlines

Australia oo baadigoobeysa wax u muuqda diyaarada Malaysia Airlines
Australia oo baadigoobeysa wax u muuqda diyaarada Malaysia Airlines

TV-ga Al-Jazeera ayaa goordhow baahiyay war ku saabsan in la helay wax u muuqda diyaaradda Malaysia Airlines ee la yahay muddo 15 cisho.

Warkan ayaa laga soo xigtay ra’iisal wasaaraha Australian PM Tony Abbott oo shaaciyay in la helay wax u muuqda diyaaradda, wuxuuna xusay in la diray maraakiib soo baara warka ku saaban in la waxa la arkay ay yihihiin diyaarada maqan, taasoo laga baadigoobayo koonfurta badweynta India.

Diyaaradda la la’yahay ayaa maqan tan iyo 8 March waxaana la socday 239 qof oo rakaab ah.

Mr Abbott ayaa sheegay in guulaha la gaaray uu soo shaaciyay satellite si degdeg ah u soo arkay.

Diyaarado ka socda Australia, New Zealand iyo Maraykanka ayaa loo diray goobaha lagu arkay qaybo ka mid ah haraaga diyaarada sidda ay lee yihiin saraakiil.

Mr Abbott, ayaa ka digay in arrintan ay aad u dhib badnaan doonto in laga helo akhbaar buuxda.

26 waddan ayaa ku howlan baadigoobka diyaaradda Malaysia Airlines oo ka duushay Kuala Lumpur kuna sii jeeda Beijing balse markii ay hawada gashay la waayay xogteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here