AUN Goolhaye Shabeellow oo Muqdisho ku geeriyooday

 

Goolhaye Shabeel oo ka xunuunsanaya Isbitaal Madiina
Goolhaye Shabeel oo ku geeriyooda Isbitaal Madiina

Allaha ha u naxariistow waxaa habeenkii xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday goolhayihii kooxda qaranka Soomaaliya iyo naadiga Batroolka, Maxamed Shabeel.

Marxuum Shabeellow ayaa ku jiray Isbitaalka Madiinka, halkaasoo uu ku xanuunsayay, waxaana la sheegay in uu ka dhaawacmay gacanta midig.

Goolhaye Shabeellow ayaa la sheegay baabuur in uu jug ku siiyay degmada Xamarweyne kaddibna uu dhaawac xun soo gaaray.

Allaha ha u naxariistow Shabeellow wuxuu horrey u ahaa Indhoole, isagoona ku wax yeeloobay dagaalladii ka dhacay dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Haddaba annagoo ku hadleyna magaca maamulka iyo shaqaalaha Midnim.com, waxaan tacsi u direynaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay allaha ha u naxariisto goolhaye Shabeellow, waxaana alle uga baryeenaa in uu ka waraabiyo janadii fardowso. Aamiin Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here