Augustine Mahiga oo Muqdisho kaga dhawaaqay in baarlamaanka Soomaaliya noqon doono 275 xildhibaan

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in xildhibaanada baarlamaanka soo socda ay noqon doonaan 275 mudane.

Qudbad dheer oo uu maanta u jeediyey Odayaasha Dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho ayuu u sheegay in madaxda dowlada iyo xafiiskiisaba isku raaceen in la tixgeliyo soo jeedinti odayaasha ee aheyd in baarlamaanka laga dhigo 275.
Marki intaasi uu yiri Mahiga waxaa isku dhacay sacab iyo qeylo ka yimid odayaasha oo ku qancay ku dhawaaqistaasi maadaamaa la meel marsiiyey afkaartoodii.
Ra’isulwasaaraha ayaa isna ka codsaday odayaasha in aysan mar danbe dib u dhigin ansixinta dastuurka iyo soo xulista xildhibaanada oo maalmahani sababo dhankooda ah u baaqanayey.

Wuxuu sheegay in hadii mar kale uu dib u dhac ku yimaado ay ka aamin bixi doonto beesha caalamka oo ay dhowr jeer ka balan qaadeen in shirka uu ansixi doono.

Maanta waxa lagu waday in uu bilwodo shirka ansixinta dastuurka hase yeeshee dib u dhaci sadexaad ayaa ku yimid.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here