Augustine Mahiga oo carabaabay 4 koox oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin Road Map-ka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa digniin culus u diray afar koox oo uu ku sheegay in ay hor taaganyihiin barnaamijka Geedi socodka Nabada Soomaaliya.

Mahiga oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu carabaabi doono magacyada dadka uu ku sifeeyey qaswadayaasha hadii ay ka waan toobi waayaan.

Wuxuu kooxahan oo uu u kala qeybiyey afarta uu siiyey digniin, isaga oo intaasi raaciyey in hadii ay is garan waayaan ay talaabo ka qaadi doonaan wasiirada Ururka IGAD.

“Shaqsiyaadka la sheegayo ma doonayo in aan hada magacaabo laakin waan ognahay dadkaasi waxaana u sheegeynaa in ay ka waantoobaan, hadii ay ka waantoobi waayaan danaha ay leeyihiin waxay tageysaa in aan magacyadooda sheegno, falalka kooxahaasi way kala duwanyihiin, waxaa ka mid ah qilaafka baarlamaanka oo kala jaban oo aan aniga isku dayey marar badan in aan dhex dhexaadiyo balse ku guuldareystay, waxaa kale oo jira shaqsiyaad gaar ahaan dagaal oogayaal aanan ku jirin baarlamaanka oo sameystay isbaheysi waxay isku dayayaan in ay is hortaagaan dooda dastuurka iyo keenista hogaamiye dhaqameedka iyo qaar kale oo warbaahinta ka hadlaya oo qasaya barnaamijka road marp-ka iyo in si caafimaad qaba loo doodo.” ayuu yiri Mahiga.

Wuxuu ugu danbeynti sheegay koox afraad oo uu ku sheegay kuwa ugu qatarsan oo ah buu yiri qaar aanan dooneyn in Soomaaliya ay ka baxdo shidada una gudubto dowladnimada iyaga oo leh dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaaqle.

“Kooxo kale ayaa jira oo dantooda aysan ku jirin in laga gudbo xaaladan adag oo leh dano dhaqaale ama kuwo siyaasadeed, waxay doonayaan in aanan loo gudbin dowladnimo iyagana waan u digeeynaa oo waxay doonayaan in ay dood sii wadaan August kadib ayeyna u furnaan doontaa wixi dood ah, laakin kama yeeleyno in ay fowdeeyaan geedi socodka iyadoo sadex bil oo qura ka dhimantahay,” Mahiga.

Shalay ayaa baxaan kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Ururka IGAD waxay digniin ugu direen dad ay ku sheegeen in ay carqaladeeyaan barnaamijka Geedi Socodka Nabada ee Soomaaliya.

Ururadaan ayaa walaac ka muujinaya shaqsiyaad ama koox isku dayaya in ay car qaldeeyaan howlaha socda iyaga oo cadeeyey in loo gudbin doono Golaha Wasiirada IGAD oo talaabo ka qaadi doona.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.