Augtina Mahgiga:”Waa Nin 10 Beri Gudahood Lagu Soo Doortaa Madaxweyne”

Ergayga qaramada midooway u qaabilsan arimaha soomaliya Augutina Mahiga warsaxafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in baarlamaanka ey soo da dajiyaan doorashada madaxweynaha isagoo sheegay in 10 beri gudahood lagu soo doorto madaxweyne.

Mahiiga ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha baarlamaanka cusub Pro Jawaari uu dalka dhibaatada 21 sano u ku jiray ka samabixindoono

“Run ahaantii waa talaabo wanaagsanoo barlamaanka cusub ee somalia uu ku talaabsaday , waa waqtigii horumarka , waa waqtigii hor usocodka “ayuu Mahiga ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.

Ergayga ayaa sidoo kale sheegay in barlamaanka iyo guddoonkooda cusub looga baahanyahay in sinaan ay ku wada shaqeeyaan, muddo 10 maalin gudahoodna ay ku soo doortaan madaxweyne cusub ee uu dalka somalia uu yeesho.

Umada Soomaaliyeed waxa ay heshay dowlad buuxda oo aan KMG aheyn waxana lama huraan ah inaan laga leexan wadada somalia dhibaatada ay kaga baxeyso.

Sikastaba Barlamaanka somalia ayaa shalay doortay gudoon iyo ku xigeenadiisa , waxana lagu wadaa in tobon maalin gudahood ay ku soo doortaan madaxweyne.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here