Aubameyang oo kooxdiisa ku qasbi doona ku biirista Real Madrid

Xidiga xulka Gabon iyo Brusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isku dayi doona  inuu u dhaqaaqo Real Madrid ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga sida ay sheegeyso jariiradda Marca ee dalka Spain.

Xiddiga reer Gabon ayaa waqti badan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqo Santiago Bernabeu wuxuuna iminka diyaar u yahay inuu ku qasbo kooxdiisa si uu heshiiska u dhoco ka hor arbacada inta uusan xirmin suuqa.

1812238-38242060-640-360
Los Blancos ayaa kol horeba dib Juventus ugala soo saxiixatay weeraryahankeeda Alvaro Morata, haddii ay Dortmund dooneysana inay dhageysato dalabyada lagu doonayo weeraryahankeeda Aubameyang, waxay u badan tahay in Real Madrid ay sameyn doonto dalab dhab ah oo ku aadan xiddiga ka soo jeeda qaarada Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here