AU oo bogaadisay Tallaabooyinkii ugu danbeeyay DFS qaaday

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Soomaliya ka dhacay, sida tallaabooyinka loo qaaday xal u helista qodobo ku qornaa dastuurka Soomaaliya, iyo dadaalada ay Xukuumada Soomaaliya ku bixineyso Xoojinta xiriirka ay la sameeyneyso maamul goboleedyada wadanka kajira.

Warsaxaafadeed ay soo saareen midowga Afrika (ADDIS-ABABA) ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen dadaalada laga hirgalinayo gudaha wadanka Soomaaliya, sida dhismaha Ciidamada Soomaaliya, iyo sidoo kale wadahadaladii madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshay madaxweynaha mamulka Somaliland Siilaanyo, kulankaasoo ka dhacay magaalada Ankara ee wadanka Turkiga.

Golaha ayaa soo jeediyay baaq ku aadan, in cid walboo daneyneysa arimaha Soomaaliya ay taageerto natiijadii kasoo baxday shirkii Lodnon ka dhacay bishan May 7-deeda..

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu amaanay doorka Ciidamada AMISOM ay ka ciyaarayaan Siyaasada gudaha wadanka Soomaaliya.

Inta uu soconayay kulanka, ayaa waxaa hadal laga dhagatstay madaxa arimaha iyo nabadgalyada golahamidowga Afrika (Ramtana lamamra) oo si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabihii kasoo baxay shirkii London iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee wadanka Soomaaliya ka dhacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here