Atletico Madrid oo hanatay koobka Europa League

Laba gool oo qurux badnaa oo uu u dhaliyey Radamel Falcao iyo ciyaar isku xiran oo ay soo bandhigeen ciyaaryahanada kale ayey Atletico Madrid meel isaga saaraty naadiga Athletic Bilbao finalka koobka Europa League oo ay xalay ku guuleystay.

Falcao oo ah laacib u dhashay dalka Colombia isla markaana dhaliyey goolka kaliyah oo ay sanadki hore kooxda Porto ku qaaday koobkaan, ayaa xalay muujiyey inuu yahay laacib awood leh, kadib marki uu dhaliyey laba ka mid ah 3-0 oo ay kooxdiisa ku qaarijisay Bilbao .

Atletico oo qatar aheyd ayaa goolka sadexaad waxaa siiyey Diego oo ku dhaliyey weerar celis ay kooxda qeybti danbe soo qaaday iyaga oo markaasina xaqiijiyey guul muhiim aheyd.

Bilbao ayaa aad loogu saadaalinayey koobka kadib marki ay kooxo caan ah kasoo taqalustay weergayadi is reeb reebka, sida kooxda Manchester United oo ay kusoo dhaaftay 16-ka.

Tababaraha kooxda Bilbao Marcelo Bielsa oo ka hadlay ciyaarta ayaa sheegay inuu ka xunyahay guuldarada soo wajahday, waxa kale oo uu qiray in kooxdiisu ay ciyaartay balse ay gool dhalin weysay.

Macalinka Atletico Madrid coach Diego Simeone ayaa isna ku faanaya guusha oo uu ku tilmaamay in ay tahay farxad iyo reen reen marka la dhadhamiyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.