Askari saakay la qisaasay magaalada Muqdisho

Maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa saakay xakun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka dowlada.

Askarigaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Ciise ayaa waxaa lagu toogtay barxada Iskool Buluusiye, waxa lagu eedeeyey inuu si ula kac ah u dilay marxuum Cabdullaahi Cali Colaad oo ka tirsanaa ciidanka nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseyn (Muungaab)   oo goobta shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in uu qirtay askarigan dhamaan danbiyadi lagu soo eedeeyey ee gacan ku dhiiglanimada.

Waxa kale oo uu sheegay in ay wadi doonaan falka qisaasta ah si looga nabad galo dilalka macno darrada ah iyo kuwa qorsheysan ee ay kooxaha dhagar qabayaasha ah ku leynayaan dadka.

Ugu danbeynti Muungaab ayaa tilmaamay in hada ay ku jiraan xabsiga ilaa iyo 40 ruux oo ku xakuman dil toogasho kuwaasi oo ay bilaha soo aadan soo ttaagi doonaan tiirka.

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa horay xakuno dil ah ugu fulisay dad isugu jira askar, Al Shabab iyo kooxo hubeysan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.