Askari Lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha

Laba ruux ayaa dhimatay 3 kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii maanta koox la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay weerar ka geysteen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Kooxdan weerarka soo qaaday ayaa toogasho ku dishay askari ka tirsanaa ciidamada nabadsugida ee dawlada waxaana ciidamo kale oo goobta ku sugnaa ay iyaguna toogteen mid ka mid ah kooxda weerarkasoo qaaday. Saddex ruux oo rayid ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay israsaaseynta ku dhexmartay labada dhinac gudaha suuqa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen israsaaseyn dhexmareysay ciidamada nabadsugida ee amaanka suuqa gacanta ku haya iyo koox ka koobneynd dhowr nin oo weerarka soo qaaday.

Sarkaal u hadlay Taliska booliska suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in ay toogteen nin ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday isla markaana ay ku raad joogaan dhowr kale oo ka baxsaday ciidamada ku sugan suuqa, sida uu sheegay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo gudaha suuqa Bakaaraha ku dhexmara ciidamada nabadsugida iyo koox ka tirsan ururka Al-Shabaab tan iyo markii dawlada ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho ka sifeysay haraadiga ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here