Askari Kenyan ah oo lagu diley magaalada Mandhera ee dalka Kenya

Wararka ka imanaya gobolka Waqoyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bastolado ay ku dileen magaalada Mandhera askari ka tirsan ciidamada Kenya.

Dadka falkan dilka ah geystey ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo nin oo dhalinyaro ah oo markii ay dilka fuliyeen ka baxsaday goobta ay ku dileen askarigaas.

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay howlgalo ka fuliyeen halka uu falka dilka ah ka dhacay iyadoo ciidamadana ay soo qabqabteen dhalinyaro Soomaali ah oo halkaa ku sugnaa.

Dilka askarigan la sheegay in uu ahaa ciidamada nabad sugida ayaa ku soo beegmay sanad kadib markii ay ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee magaalada Mandhera oo ku taal meel aan ka fogeyn xadka kala qeybiya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahayd goob aysan badanaa ka dhicin falalka dilka iyo qaraxyada ah marka loo eego magaalada Garissa.

Falalka amni darada ah ee ka dhaca dalka Kenya ayaa badanaa waxaa lagu eedeeyaa ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here