Askari Kenyan ah oo gacanta ugu jira Al-shabaab oo wareysi bixiyay

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Askari Kenyan ah oo maxbuus ahaan ay u haystaan Ururka Al Shabaab, ayaa ka hadlay qaabka uu u dhacay weerarka maalintii Jimcaha ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Wuxuu magaciisa uu ku sheegay Lawrence Rinui Kamau, kana tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee loo yaqaano (KDF), wuxuu kaloo sheegay inuu yahay 30 jir, leh xaas iyo carruurba. Muddo 7 sano ayuu sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Kenya, isla-markaana uu laba isbuuc oo qura uu ku sugnaa dalka Somaliya.

Lawrence Rinui Kamau oo la hadlay Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa xusay in deegaan ahaan uu ka soo jeedo Gobolka Kiambu, isla-markaana uu ka dhashay qabiilka Kiyuyu, oo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu ka dhashay.

Lawrence Rinui, ayaa yiri “Magaceygu waa Lawrence Rinui Kamau, waxaan ahay muwaadin Kenyan ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), waxaan ka soo jeedaa Gobolka Bartamaha Kenya ku yaala ee Kiambu County, waxaana ka dhashay qabiilka Kikuyu.”

“Sidoo kalana waxaan ahay nin xaas iyo carruur leh, da’deedu waa 30 jir, muddo toddobo sano ah ayaana ka tirsanaa Ciidanka Kenya. Waxaan Somaliya ku sugnaa muddo laba toddobaad ah.”

“15-kii bishii January 2016-kii ayay weerar culus nagu soo qaadeen Al Shabaab, iyagoo noo awood sheegtay, cagtana mariyay Saldhigii ciidan ee aan ku sugnaa.”

“Inta badan saxibadey waala laayay, qaarna waa dhaawacmeen, aniga iyo qaar kalana waxaan ku dhacnay gacanta Al Shabaab, ka dib markii dagaalka nalagu soo qabtay. Weerarku wuxuu nagu bilowday abaarihii 5-ta subaxnimo, iyadoona ay Ciidanka Al Shabaab inoo awood sheegteen.”

“Waxaan rabaa inaan dhambaal farriin ah gaarsiiyo Dowladda, shacabka Kenya iyo sidoo kale Amisom, waxaana ka dalbanayaa inay ka shaqeeyaan, sidii si nabadgelyo ah la’igu sii dayn lahaa, si ay noogu suurtagasho inaan u helno nolol nabadgelyo leh, dibna aan ula midoobi lahayn qoysaskeena. Haddii ayba suurtagal tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here