Askari katirsan M/Puntland oo Qof Rayid ah ku dilay Wuqooyiga Gaalkacyo

Askari-dil-geystay

Askari katirsan Ciidanka Amaanka Maamulka Puntland ayaa waxa uu xalay Qof rayid ah ku dilay Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dilka ayaana la ogeyn waxa keenay waxaana Askariga dilka geystay la sheegay inuu goobta ka baxsaday inkastoo ciidanka Amaanku ay sheegeen in lagu raad joogo oo lasoo qaban doono sharcigana la horkeeni doono.

Xaafada Israaca ee Wuqooyiga Gaalkacyo ayuu dilka ka dhacay waxaana dadka ku dhaqan Xaafadaasi ay walaac ka muujiyeen dilalka ceynkaan oo kale ah maadama dhowr jeer dilal Shacab loogeystay aan la heynin dad loo soo qabtay oo loo maxkamadeeyey.

Sargaal uhadlay Ciidanka Amaanka Puntland ee ka howlgala Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa shacabka ka codsaday inay is dejiyaan oo Amaankooda iyaga sugayaan gacan ku dhiiglaha dilka geystana lasoo qaban doono.

Shalay ayaa sidaan oo kale Ciidanka ilaaliya Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ay dileen nin doonayey inuu ka dhoofo taasi oo ay Maamulka Galmudug Dilkaasi ku Eedeeyeen Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here