Askari katirsan Ciidanka Dawlada oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa waxay ku dileen Askari katirsanaa Dawlada Soomaaliya Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho iyagoona goobta ka baxsaday dilka markii ay geysteen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in Dableyda dilka geysatay aya hore usii qaateen Qori Ak47 ah uu watay Askari dhintay waxaana meesha falku ka dhacay gaaray ciidan badan oo katirsan isla Dawlada Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho waxaana ay Shabaab warbaahintooda ku daabaceen in iyaga ay dilkaasi ka dambeeyeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Muqdisho lagu dilo Askari katirsan Ciidanka dawlada laakiin maalmihii dambe waxay ahayd Jawiga Muqdisho mid deggan oo Amnigeeda uu soo hagaagayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here