Askari katirsan ciidamada AMISOM oo ku geeriyooday Garoonka Jomo Kenyata

Jomo_Kenyatta_International_Airport_flexible_Safaris_Askarigaasi oo ka mid ahaa afar Askari ooka tirsan AMISOM oo iyagoo dhaawacan shalay galab loo duuliyey magaalladda Nairobi ayaa geeriyooday 10 daqiiqo, kadib markii ay Diyaaradii ay la socdeen Fiidnimadii xalay caga dhigatay Garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi.

Diyaaradda waday Askartaasi dhaawaca ah waxay Garoonka Jomo Kenyatta ka degtay abaarihii 9-kii fiidnimo iyo 17 daqiiqo ee xalay, iyadoo geerida Askarigana la shaaciyey 9kii iyo barkii Fiidnimo.

Askariga geeriyooday iyo saddexda kale ayaa loo duuliyey Nairobi si loogu soo daaweeyo dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino oo Gaarigii ay wateen lagula beegsaday magaalladda Baraawe oo 20 KM dhanka Koonfurta ka xigta magaalladda Muqdisho.

Askariga Ugandheseka ee geeriyooday ayaa lagu magacaabi jirey Amos Mugisha, halka labada kale ee dhaawaca ah lagu kala magacaabo Dennis Bawnika iyo Paul Kyakuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here