Askari ka tirsanaan jiray ciidamada Mareykan oo la qabtay ka hor inta uusan ku biirin Al Shababa

Waaxda cadaalada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagay Isniinti shalay aheyd askari horay uga tirsanaan jiray ciidamada Mareykanka kaasi oo isku dayayey inuu u safro dalka Soomaaliya si uu ugu biiro Al Shabaab.

Craig Benedict Baxam, oo ah 24 jir ayaa laga xiray Jimcihi garoonka Baltimore-Washington International Airport isaga marki uu ku dhacay inuu tago Soomaaliya.

Ninkaan oo kasoo jeeda Maryland ayaa maxkamad lasoo taagay isaga oo durba lagu soo eedeeyey inuu teegerro dhinaca qalabka ah doonayey inuu u fidiyo kooxda Al Shabaab oo Mareykanka ugu jirto liiska argagixisada.

Marka kaliyah ee uu maxkamada ka hadlay shalay Baxam inti ay socotay dhageysiga dacwada ayaa aheyd jawaab uu bixiyey oo aheyd “Yes” ama ‘Haa’ kadib marki uu xeer ilaaliyaha weydiiyey waxa uu ka ogyahay danbiga lagu soo oogay iyo ciqaabta suurta galka ah ee uu wajahi karo.

Xeer ilaaliyaha oo lagu magacaabo William Connolly ayaa amray in Baxam uu xabsiga kusii jiro ilaa maalinta Arbacada oo maxkamada dib loogu soo celin doono.

Sida wararku ay sheegayaan Baxam ayaa ka dhoofay Mareykanka bishi December 20-keedii isaga oo tagay Kenya si uu uga sii gudbo SOomaaliya, laakin waxaa xiray ciidamada Kenya 23-ki December marki laga shakiyey.

Xeer beegta ayaa sheegtay in Baxam uu si qarsoodi ah u galay diinta Islaamka ka hor inta uusan ka tagin shaqada ciidanka bishi July.

Ciidanka Mareykanka wuxuu ku biiray sanadki 2007 waxaana uu qaatay tababar sideed bilood ah kuwaasi oo isugu jira dhanka dab ridka iyo sir doonka intaba waxaana uu kasoo shaqeyey magaalada Baghdad iyo dalka South Korea.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.