Askari ka tirsan ciidanka dowlada KMG Somalia oo dilay nin nabadoon ahaa

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowlada uu maanta toogtay nabadoon caan ka ahaa degmadaasi.

Falkani oo dhacay barqadi maanta ayaa la sheegay in uu ka danbeeyey ka gadaal marki ay murmeen askariga iyo marxuumka la dilay, iyadoo dadka deegaanka ay aad uga xumaadeen dilka.

Warar is qilaafsan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dilka, laakin ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in loo dilay nabadoonka arimo la xiriira aana qabiil.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ee degmada Ceelwaaq ayaa gacanta kusoo dhigay ninka weerarka geystay kaasi oo hada ku xiran saldhig ay ciidamada ku leeyihiin degmada.

Ma ahan arin ku cusub dadka Soomaaliyeed in askari ka tirsan ciidamada dowlada uu dilo qof rayid ah ama dad badan, hase yeeshee waxaa dhif iyo naadir ah in askari ka tirsan ciidanka dowlada uu dharaar cad mujtamaca hor tiisa ku dilo nin nabadoon ah.

Wali wax war ah kama aysan soo saarin maamulka degmada Ceelwaaq dilka uu ninkaasi nabadoonka ah u geystay askariga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.