Askari ka Tirsan Ciidamada Dowlada oo Toogtay Gabar Yar

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa xalay Muqdisho ku dilay Gabar yar , xili uu damacsanaa inuu ka dhaco Dahab iyo Moobeelka gacanta.

Falka dilka ah ayaa dhacay salaadii Cisho kadib , waxaana uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag , waxaana goobtii uu dilka ka dhacay laga maqlay rasaas xoogan.

Mid ka mid ah Dadki ugu horeeyay ee gaaray meesha ay rasaasta ka dhacday ayaa sheegay in uu arkay gabar 20 jir ah oo ay rasaas ku taalo iyo askari ka sii dhaqaaqaya goobta.

Gabadha yar ayaa la sheegay in laga qaatay Moobilka gacanta iyo dahab u xirnaa , waxaana ka dambeeyay falka dilka Askarika tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Falka kadib ma jirin wax ciidan ah oo soo gaara goobta , kuwaasoo daba gal ku sameeya askariga ka dambeeyay dilaka gabadha yar.

Allaha u naxariistee Gabadha yar Eheladeeda oo goobta soo gaaray ayaa meydka ka qaatay , iyagoo aad u ilmeynayay , iyagoo waayay xataa wax dabagala ninkii dilay gabadhooda.

Marka aad eegto Tacadiyada ay geysanayaan ciidamada Dowlada waxaa u maleysaa inay raali kaga yihiin masuuliyiinta iyo saraakiisha Dowlada Soomaaliya , iyadoo marki hore maxkmada ciidamada ay xukuno dil iyo xariga ay ku xukumi jirtay , balse maxkamadii ciidamadana la baabi’iyay si aysan u xukumin askari ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ma aha marki ugu horeysya ee askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo si bareer ah u dilo dad rayid ah , waxaana sii socda amaan darid Magaalada Muqdisho ay ka wadaan

CiidamadaDowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here