Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo dad gaari saarnaa ku dhaawacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah ciidamada dowlada ee ka howlgala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa si bareer ah duhurnimadii maanta rasaas ku furay baabuur Minibus ah oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

Gaarigan ayaa la sheegay in dadkii saarnaa ay ka warheleen xabado lagu soo ridayo iyagoo marayay wadada laamiga ah ee suuqa Kaaraan dhex marta.

Rasaastan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo mid ka mid ah ahaa askari marayay meel u dhow baabuurka. Darawalkii waday gaarigan ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta keentay in askarigan uu rasaasta ku furo gaariga iyadoo uusan xitaa la hadlin.

Waxaana isla goobta uu shilku ka dhacay la sheegay inay gaareen ciidamo ka tirsan booliska saldhiga degmada Kaaraan iyagoo gacanta ku soo dhigey askarigii ka dambeeyey falkan weerarka ah.

Baabuurkan oo u waday Qaad magaalada jowhar ayaa la sheegay in uu safarkiisi iska sii watay kadib markii dadkii dhaawaca soo gaaray la dhigey isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamo badan oo ku sugan degmada Kaaraan ayaanay jirin cid ay ka amarqaataan waxana ay dadka rayidka ah mararka qaarkood u geystaan dhac.