Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo is dal dalay

Children watch as members of the Kenya Defence Forces attend prayers to pay respects to the Kenyan soldiers serving in the African Union Mission in Somalia (AMISOM), who were killed in El Adde during an attack, at a memorial mass at the Moi Barracks in Eldoret, January 27, 2016. Photo/REUTERS

Askari ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa wuxuu saacadihii ugu dambeeyay uu isku daldalay dalkaasi Kenya.
Askarigan, ayaa waxaa uu dhawaan ka soo laabtay dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, wuxuuna dalkiisa uu ku soo laabtay isagoo nabad-qaba, hase ahaatee uu la soo laabtay xanuun dhinaca maskaxda ah.

Joash Ochieng Magar, ayaa wuxuu isku daldalay hoygiisa oo ku yaala xaafadda Bukalama ee Magaalada Busia, waxaana dilkiisa lala xiriirinayaa mid ka dhashay xanuunkii maskaxda ee uu la tacaalaayay.

Qoyska askarigan, ayaa waxay sheegeen in 12-kii bishan oo maalintii shalay ku beegneyd ay Dowladda Kenya soo saartay warqad ay shaqada kaga fariisineysay askarigaasi.

Askarigan, ayaa waxaa dalkiisa loogu celiyay si loogaga daaweeyo cudurka dhimirka. Booliska Busia waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaano ay ku ogaanayaan waxa rasmiga ah ee keenay is dilka askarigaasi.

15-kii bishii January, ayay ahayd markii Ciidamada Kenya ee Somaliya ku sugan, ay weerar culus kala kulmeen Ururka Al Shabaab, waxaana la hadalhayaa in looga dilay in ka badan 100 askari, walow aanay Kenya illaa iyo hadda shaacin tirada saxda ah ee Ciidamadeeda Militariga looga dilay weerarkaasi oo ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here