Askari diiday inuu qoriga wareejiyo oo lagu toogtay Xamar Weyne

Ciidamada booliska degmada Xamarweyne ayaa toogtay nin ka tirsan milatariga dowlada oo lagu amray inuu qoriga dhigo balse ku madax adeegay.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in askariga lagu dilay agagaarka jidka Afar Irdoodka wax yar kadib marki uu kasoo baxay jidka ka yimaada dhanka Bacadlayaasha isaga oo ku hubeesnaa qori AK-47 ah.

Qof diiday magaciisa in lasoo xigto oo goob jooge ahaa ayaa sheegay in ninkaan ay toogteen ilaalada taliyaha saldhiga Xamar Weyne Maxamed Daahir kadib marki uu qoriga la aaday.

“Ninka wuxuu ka yimid dhanka bacadlaha, waxaa lagu amray inuu qoriga dhigo kadibna wuxuu qoriga la aaday taliyaha saldhiga, waxaase marki danbe dilay ciidamada ilaalada Maxamed Daahir oo ah taliyaha,” ayuu yiri.

Ma ahan marki ugu horeysay oo uu fal noocaan oo kale ah ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaana mar walbaa magaalada lagu arkaa askar u badan milatari oo iyaga oo hubeesan ku daadasan deegaanada ay u badanyihiin xafiisyada dowlada sida degmada Xamar Weyne.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.