Askar tababar loogu soo gaba gabeeyey Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho tababar loogu soo xiray inkabadan 668  Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya kaddib Xaflad lagu  qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye yaasha degmooyinka gobolka Banaadir, qaar katirsan saraakiisha ciidamada Dowladda, Fanaaniinta, iyo saraakiisha sare ee ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo qudbad dheer ujeediyay boqolaalka Askar ee maanta dhameysatay tababarka ayaa sheegay in askartaan ay yihiin kuwii dalka difaaci lahaa islamarkaana qeyb muuqata ka qaadan lahaa xoreynta gobolada dalka.

Xafladda maanta tababarka loogu soo xiray Askarta dowladda ayaa waxaa  sidoo kale qeyb ka ahaa fanaaniinta iyagoona munaasabaddaasi kusoo bandhigay madaadlo, heeso iyo Ruwaayado ay jecleysteen askartii tababarka usoo xirmay.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sidoo kale kula dardaarmay boqolaalki askar ee maanta tababarka usoo xirmay iney ilaaliyaan Aadaabta Askarta, islamarkaana ay xaqdhowraan shacabka.

Waxaana gabagabada qudbad dheer ee uu maanta ujeediyay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ciidamda tababarka ugu soo xirmay maanta dugsiga Xalane ayaa shacabka Soomaaliyeed ujeediyay iney la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka iyo kuwa midwoga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Fered Mugisha oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidamada maanta tababarka loo soo xiray.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka qaato dhiiri gelinta iyo taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed, waxaana si weyn loo xusuustaa taageerada uu maamulka la garab taagan yahay ciidanka iyo booqashooyinkooda goobaha furimaha.

By:  Mohamed Yusuf