Askar Mareykan ah oo ku dhimatay diyaarad ku bur burtay xadka Somalia

Afar askari oo Mareykan ah ayaa ku geeriyootay kadib marki ay ku bur burtay diyaaradi ay la socdeen xadka Soomaaliya iyo Djibouti.

Taliska milatariga Mareykanka ee jooga dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey dhimashada afarta askari oo ay ku jireen laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada cirka Mareykanka.

Diyaaradaan oo nooceedu ahaa U-28A ayaa ku dhacday meel lix mile u jirto saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay dalka Djibouti Sabtidi lasoo dhaafay waxaana xiligaasi ay kasoo laabaneysay dalka Afganstan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in marki ay soo dhacday ay u gurmadeen saraakiisha ciidanka Mareykanka ee ku jira xerada Lemonnier ee dalkaasi Jabuuti kuwaasi oo soo qaaday meydadka iyo bur burka diyaarada.

Amy Oliver, oo ah madaxa arrimaha bulshada ee ciidamada cirka Mareykanka qeybtooda howlgalada gaarka ah ayaa sheegay in diyaarada ay kasoo laabatay howlgalo milatari oo ay kasoo fulisay dalka Afghanistan.

Afarta askari ee ku dhimatay ayaa kala ah Capt. Ryan P. Hall oo ah 30 jir kasoo jeeda Colorado, Capt. Nicholas S. Whitlock oo ah 29 jir  oo reer Georgia ah, Lt. Justin J. Wilkens, oo ah 26 iyo Julian S. Scholten oo ahaa 26 kasoo jeedo gobolka Maryland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.